U bood dhigaalka

Kheyre Oo Maanta Shir Uga Qeybgalaya Doxa, Qadar

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta oo Axad ah wuxuu magaalada Doxa ee dalka Qadar kaga qeybgali doonaa shirka 2017 Doha Forum kaasi oo labo maalmood halkaasi ka socon doona.

Shirkaan ayaa lagu casuumay madax badan iyo sidoo kale hay’ado caalami ah, waxaana looga hadli doonaa arrimo muhiim ah.

Shirkaan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxyaabaha sanadkaan looga hadli doono waxaa kamid ah arrinta ku aadan dhaqaalah iyo sidoo kale qaxootiga.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa in Doxa uu kula kulmo mas’uuliyiin dhowr ah.

Waxaa Maxay Doha Forum:

Doha Forum waxaa inta badan xoogga lagu saaraa siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha gobolka iyo caalamka ah.

Madashan waxaa lagu casuumaa siyaasiyiin, khubaro, aqoonyahan, ganacsato iyo bulshada rayidka ah.

Madasha Doha Forum qeybtiisa 17aad ee sanadkan waxaa hal-ku dhig looga dhigay oo looga hadli doonaa “hor-u-marka, xasiloonida iyo dhibaatada arrimaha qaxootiga”.

Goobjoog News