U bood dhigaalka

Kheyre “Waxaan Diyaar u Nahay Inaan Dhallinyarada u Sameynno Mustaqbalka Ay Xaqqa Inooga Leeyihiin”

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay ka qeybgalay munaasabad loo qabtay kooxda Jubbaland ee ku guuleysatay tartankii boleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan ay ka go’an tahay iney sameeyaan wax walbo oo dhallinyarada Soomaaliyeed xaq uga leeyihiin dowladdooda.

Wuxuu sheegay Kheyre, in la dhisi doono garoonka ciyaaraha ee Muqdisho oo hadda ay deggan yihiin ciidamo AMISOM ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dalka amnigiisa iyo horumarkiisa si wax looga qabto ay muhiim tahay xoojinta ciyaaraha.

“Waxaan diyaar u nahay inaan dhallinyarada Soomaaliyeed u sameynno mustaqbalka ay xaqqa inooga leeyihiin, tallaabada u horreysa waxay tahay in loo dhiso Isbartiibadooda, marka haddii aan iskaashanno 2018 waxaan ku guuleysan karnaa inaan saas sameynno, annagana haddii aan nahay xukuumad oo aan aqbalnay inaan deris la noqono Isbartiibada idinka soo inta kale ma qabsan kartaan, waxaa inoo soo baxday dalka amnigiisa iyo horumarkiisa si wax looga qabto in la xoojiyo sidii Sports-ka wax looga qaban lahaa, in dhallinyarada Soomaaliyeed intey helaan fursado ay ku qabtaan waxay u baahan yihiin gaar ahaan Sportiga, haddii ilaahay yiraahdo 10-ka sano ee soo socota aan aragno wiilal Soomaaliyeed oo u ciyaaraya kooxaha adduunyada lagu tartamo” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Dadka Soomaaliyeed ayaa 70% waxay yihiin dhallinyaro, dhallinyaradana waa laf dhabarta dal walbo, waxayna dowladda Federaalka waddaa dedaalka ku aadan wax u qabashada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Goobjoog News