U bood dhigaalka

Kim Jong-un: Badhanka Nukliyeerka Waxaa Uu Yaallaa Xafiiskeyga

Sheeko:Dalka, War

Hogaamiyaha Kuuriyada waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay in hubka Nukliyeerka ah uu yaalo had iyo jeer xafiiskiisa taasi oo aan u suurto galineyni Mareykanka inuu bilaabo dagaal.

Waxaa uu intaasi ku daray Kim Jong-un isaga oo ka hadlayey telefishinka ayuu yiri “ Dhammaan gobollada Mareykanka  waxaa ku dhacaya hubka Nukliyeerka ah ee ay heysato Kuuriyada Waqooyi”. Waxaa uu hoosta ka xariiqay in arrintaani aysan goodin aheyn oo ay tahay wax dhab ah.

Dhanka kale waxaa uu furay iridda nabadgelyada, waxaa uuna yiri “ Dalkeyga waa uu u furanyahay inuu galo wadahadal.

Kuuriyada waqooyi ayaa sheegtay in ay direyso xulkeeda qaranka si ay uga qeyb galaan ciyaaraha Olombikada ee xilliga xagaaga.

Kim Jong-un waxaa uu tilmaamay xiriirka kala dhaxeeya Kuuriyada Koofureed inuu soo wanaagsanaan doono sanadka soo socda.

Kuuriyada waqooyi ayaa hadda waxay ku dadaaleysaa sidii ay u soo saari lahey madaxda Nukliyeerka iyo gantaallada Balaastiigga ah sidaasna waxaa sheegay Kim Jong-un oo ka hadlayey Telefishinka.