U bood dhigaalka

Kismaayo: Caruur Shuban Biyood Ugu Geeriyootay Iyo Bukaanno Kale Oo Isbitaalka Jiifa

Sheeko:Dalka

Iyada oo Isbitaalka guud ee magaalda Kismaayo ay ku jiraan dad horay uu u soo ritay cudurka shuban biyoodka oo ka  kala yimid deegaannada ku xeeran magaalda Kismaayo iyo gobolka Jubbada hoose ayaa madaxa waaxda shuban biyoodka magaalda Kismaayo Xasan Garaad ayaa waxa uu goobjoog News u sheegay tirada guud ee Isbitaalka ku jirta.

Xasan Garaad ayaa sheegay in Isbitaalka la soo gaarsiiyay dad badan kuwaas oo u badan caruur, waxa uu sheegay in dadkaas badankood ay yihiin dadka ku dhaqan magaalda Kismaayo.

“Waxaa na soo gaaray dad faro badan oo uu asiibay cudurka shuban biyoodka, dadka saameynta ugu badan uu ku leeyahy cudurka oo na soo gaaray waa caruurta”.

Madaxa waaxda shuban biyoodka Isbitaalka Kismaayo Xasan Garaad ayaa sheegay in dadka la soo gaarsiiyay Isbitaalka ay geeriyoodeen shan ka mid ah dadkaasi, waxa ayna ahaayeen dadkaasi caruur ay da’doodu ka hooseyso shanta sano.

Inta badan waxaa ka dilaacay waddanka cudurka shuban biyoodka kaasi oo dad badan ay ugu geeriyoodeen gobobllo badan oo ka tirsan waddanka.

Cudurkaan ayaa inta badan waxa uu yimaadaa xilliga ay jiraan xaalado ban’aadanimo iyadoo sababta ugu weyn uu ka dilaaco ay tahay dhanka nadaafad xumida.

Goobjoog News