U bood dhigaalka

Kismaayo: Ciidamo Booliis Ah Oo Tabobar Loo Soo Xiray

Sheeko:Dalka

Taliska boliiska Soomaaliyeed ayaa maanta tababar magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose ugu soo xiray ku dhawaad 200 oo askari, kuwaasi oo tabobar ku qaatay magaaladaasi.

Xafladda Xiritaanka tabobarkaan waxaa Goobjoog ka haa Madaxweynaha Maamulka jubballand Axmed Maxamed Islaam Madoobe ,Taliyahaciidanka Booliiska Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ciidankaan kula dardaarmay in waajibaadkooda u gutaan sidii loogu talogalay.

Korneel Jaamac  Axmed Xasan, Afhayeenka Ciidanka Booliiska Jubbaland ayaa sheegay In Ciidankaasi ay ka howlgali doonan degaanada maamulkaas.

“Ciidamadan waxay ka howlgeli doonaan dhammaan deegaannada Jubbaland ay gacanta ku hayaan iyo meelaha kale ee la qaban doono, waxaa Tabobarkaan kacan naga siiyay AMISOM Boolis, ciidankaan waxay tababaranayeen 3 bil, waana dufcadii Saddexaad” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale Korneel Jaamac ayaa sheegay in ciidamadan ay haystaan qalabkii ay ku shaqeyn lahaayeen, islamarkaana ay horay ka shaqo bilaabi doonaan.

Goobjoog News