U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed: Xildhibaanno Mooshin Ka Keenay Madaxweyne Shariif Xasan

Sheeko:Dalka

Kulan ay iskugu yimaadeen Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, waxay uga hadleen mooshin ay ka wadaan madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan, iyagoo ka dalbaday  guddoonka baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya inuu furo kala fadhigga baarlamaanka.

Kulanka ka dib ayaa Xildhibaanada waxay soo saaree warsaxaafadeed waxa uuna u qornaa sida tan

“Hogaanka Koofur Galbeed waxa uu ku fashilmay wax u qabashada shacabka ay abaaruhu iyo colaadda ay aafeeyeen, wuxuuna waqtigiisa uu ku dhameeyay ku gooshidda diyaaradaha, iyo faragalin hawlo dowladda Federaalka aysan shaqo ku lahayn, waxaan u mahadcelinaynaa ciidamada sugaya amniga deegaannada iyo shacabka Koofur Galbeed Soomaaliya, iyagoo ku shaqeynaya gaajo iyo mushaar la’aan aan ognahay, waxaa ciidamada Koofur Galbeed Soomaaliya ku wargalinaynaa in dowladda Federaalka ay u soo dhiibtay madaxweynaha maamul goboleedka Koofur Galbeed xaquuq iyo mushaar ay ciidanka maamulka Koofur Galbeed ay leeyihiin, waxaan u mahadcelinaynaa madaxda iyo saraakiisha Koofur Galbeed oo waajibaadkooda u gutay sida sharciga tilmaamayo isla markaana dhawray xasaanadda Xildhibaanada, waxaan u digaynaa madaxa hoggaanka sare ee booliska oo ku guda jira hawlo ka baxsan waajibaadkiisa shaqo, waxaan guddoonka golaha wakiilada Koofur Galbeed Soomaaliya aynu ka codsanaynaa inuu furo kala fadhigga golaha wakiilada 20 ka Maarso 2017 da, sidii horyba loogu ballamay si loo gudo galo waajibaadka shaqo ee na horyaallo, in la abuuro guddi golaha wakiilada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka oo ka hawlgala wax uqabashada shacabooka abaaraha iyo colaadda  haysata”.

Dhinaca kale Xildhibaannada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, waxaa ay sheegeen in faragalin lagu sameeyay kulankooda inta uu socday, ayna sameeyeen maamulka degmada Baydhabo iyo kan gobalka Bay.

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa mudoonyinkii ugu dambeeyay Xildhibaanno ka trisan baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya ay ka wadeen mooshin ay kaga doonayaan inay xilka ka tuuraan, waxaana la filayaan in bishaan gudaheeda uu furmo kala fadhiiga kolaha wakiilada maamulkaas.

 

Goobjoog News