U bood dhigaalka

Koonfurta Kuuriya: Ma Jiro Markab La Afduubtay, Dadka Saaranna Waa Bad Qabaan

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha dibadda Koonfurta Kuuriya waxaa ay sheegtay in dib ula xiriireen markab laga shakiyay in ay afduubteen burcad badeedda Soomaaliya oo saacado maqnaa, iyada oo intaa raacisay in markabka aan la afduubin, dadka saaranna ay bad qabaan.

Wasaaradda ayaa markii dadkaasi la waayey waxaa ay sheegtay in ay raadinta markabka iyo dadka saaran iska kaashanayaan Mareykanka, Germany, India iyo Japan.

Markabkan waa bad qabaa la leeyahay waxaa ka saarnaa 3 u dhashay dalka koonfurta Kuuriya iyo 18 Indonesiyaan ah, dhammaantoodna waa ay bad qabaan.

Todobaadkii hore, Markab Iran ay leedahay ayaa laga afduubtay xeebaha Soomaaliya, bishan keliya labo markab ayey burcadda qabsadeen, midna waxaa bad-baadiyay ciidamo isugu jira Shiinaha iyo Hindiya.

Goobjoog News