U bood dhigaalka

Koonfurta Suudaan: Shaqaalaha Qaramada Midoobay Oo La Sii Daayey

Sheeko:Caalamka

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in 16 ka mid ah shaqaalaheeda oo horay ay u afduubteen kooxo ka tirsan mucaaradka koofurta suudan la soo daayay, shaqaalahaan ayaa waxaa la afduubtay iyaga oo ku sugan bariga waddanka Congo.

Mas’uul u hadlay qaramada midoobay ayaa sheegay in shaqaalahaan lagu soo daayay ka dib wadahadallo dheer oo dhex maray iyaga iyo kooxihii afduubtay.

Kooxaha mucaaradka ee ka dagaallamada waddanka Suudaanta Koofureed ayaa waxay ku badanyihiin xerooyin ku yaallo bariga waddanka Kongo,kuwaas oo mararka qaar afduub u geesta shaqaalaha ka shaqeeya hay’adaha gargaarka.

Waddanka Suudaanta Koofureed ayaa waxaa ka jira xaalada dagaal iyadoo oo ay u siidheertahay macluul baahsan oo soo wajahday dadka ku nool waddankaasi

Dagaalka u dhaxeeya dowladda koofurta suudaan iyo kooxaha mucaaradka ayaa waxa uu bilowday bishii Decmber sanadkii 2013kii,dagaalkaas oo sababay dhimashada boqolaal qof,halka ay barakaceen in ka badan boqolaal qof oo kale.

Goobjoog News