U bood dhigaalka

Ku Dhowaad 10 Qof Oo Ku Geeriyootay Dagaalka Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo saakay ka billowday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug.

Dagaalkaan ayaa ka billowday galbeedka Gaalkacyo, waxaana la isku adeegsaday hubka culus, iyadoo halkaasi khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Wararkii ugu dambeeyay ee Goobjoog News ka heshay dagaalladan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ku dhinteen ku dhowaad 10 qof oo shacab iyo ciidan isugu jira, waxaana dhaawaca la tilmaamayaa inuu gaarayo 15 qof oo shacab u badan.

Xaaladda hadda waa ay ka yara deggan tahay sidii saakay, inkastoo la maqlayo rasaas teel teel ah oo ka dhacaysa furunta hore ee dagaalka.

Isbitaaallada Gaalkacyo ayaa la geeyey dhaawac dad u badan shacab oo rasaasta habowga ah ugu tagtay guryahooda.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in madaafiic ay kusoo dhaceen xaafadaha Gaalkacyo qaarkood ee aan dagaallada ka socon, waxaana madaafiicdaasi waxyeello soo gaarsiiyeen dadka shacabka ah.

Dagaalka Gaalkacyo ayaa noqday mid soo noqnoqday, iyadoo inta badan waxyeello ay kasoo gaarto dagaalladan dadka shacabka ah ee aan waxbo galabsan.

Goobjoog News