U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayey Tayeenta Garsooka Oo Lagu Qabtay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maanta oo Axad ah waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan ballaaran oo looga hadlayey teyeenta Garsoorka dalka, waxaana ka qeybgalay laamaha Garsoorka iyo kuwa ammaanka.

Kulankaan waxaa ka qeybgalay Wasiirka cadaaladda ee xukuumadda Soomaaliya, guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Taliyaha CID, taliyaha ciidanka Asluubta, Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka cadaaladda ee xukuumadda Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in qareennada Soomaaliyeed aanay helin mushaar iyo amni ku filan taasi oo keentay habacsanaanta garsoorka ka taagan.

“Marka hore waan sheegay arrimahan waana muhiim, qofka garsooraha haddii aanu haysan wixii uu u baahnaa dabcan ma fulin karo cadaaladdii la rabay, garsoorka hadda shaqeeyo guud ahaan dalka waa garsoorka horey u jirey ee mideysnaa, intii isbedal ka imaanayo waxaan ku shaqeyneynaa siyaasad ahaan garsoorkii jireykaas ayana dadka ku tababobareynaa, kaas ayaa wixii shuruuc ah ee la bedalayo waafajineynaa” ayuu yiri Wasiirka.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan oo kulankaasi daah furay ayaa isna dhankiisa wuxuu sheegay in muhiim ay tahay in la tayeeyo garsoorka si dadka ay u helaan cadaalad ay ku qancaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga, C/naasir Saciid Muuse oo kulankaan hadal ka jeediyey ayaa sheegay in xiriir la’aanta ka dhaxeysa laamaha ammaanka iyo garsoorka ay sababtay iney baxsadaan dadka amni darada ka wada magaalada Muqdisho waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu dambeyn xubnaha kulanka yeeshay ayaa sheegay in bil gudaheed lagu helo doono isbedal ballaaran oo dhanka amniga iyo cadaaladda dalka ah.

Goobjoog News