U bood dhigaalka

Kulankii Baarlamaanka Ee Uu Ka Qeybgali Lahaa Madaxweyne Farmaajo Oo Baaqday

Sheeko:Baarlamaanka

Warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in dib u dhac uu ku yimid kulan maanta oo Sabti ah ay si wadajir ah isugu imaan lahaayeen xildhibaannada Labada aqal ee baarlamaanka, kaasi oo uu dalbaday madaxweyne Farmaajo.

Warbaahinta ayaa lagu wargeliyey in dib uu u dhacay kulankaan, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysay inuu baaqdo iyo waqtiga dib loo qaban doono.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xildhibaannada u jeedin lahaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa, isaga oo guddoonka Labada aqal horey uga dalbaday in la qabto kulan wadajir ah.

Kulankaan ayaa ahaa mid aan caadi ahayn, waxaana madaxweynaha uu ka hadli lahaa xaaladda guud ee dalka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News