U bood dhigaalka

Kulankii Maanta Ee Aqalka Sare Oo u Baaqday Kooram La’aan

Sheeko:Baarlamaanka

Senator-ada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu waday in maanta oo sabti ah ay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho, hase ahaatee kulankaasi ayaa furmi waayey kadib markii la waayey kuntankii uu ku furmi lahaa.

Kulanka ayaa ku furmi lahaa sida sharciga ah 28 mudane, hase ahaatee waxaa soo xaadirtay in ka yar tiradaasi.

Maanta waxay Senator-ada sixitaan kusii sameyn lahaayeen xeer hoosaadkii aqalka sare, oo maalmahanba ay ka doodayeen, kaasi oo ay soo diyaariyeen guddi KMG ah oo arrintaasi loo xilsaaray.

Guddoomiyaha aqalka sare C/xaashi C/laahi ayaa markii uu dhameystirmi waayey Kooramkii uu ku furmi lahaa kulanka mudanayaasha aqalka sare ayaa si kulul waxa uu uga hadlay soo xaadiris la’aanta Senator-ada iyo shaqooyinka xilligaan yaallo.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha in dhammaan mudanayaasha aqalka sare looga baahan yahay iney dhowraan sharciga, islamarkaana ay si joogto ah usoo xaadiraan kulamada aqalka sare.

Todobaadkii tagay ayeey ahayd markii Senator-ada aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka ay meelmariyeen qodobka soo xaadiritaanka ee golaha.

Goobjoog News