U bood dhigaalka

La-taliyaha Madaxweynaha Oo Sheegaya In Aan Lagu Kalsoonaan Karin Hey’ado Ay Ka Mid Yihiin Wasaaradaha Iyo Garsoorka

Sheeko:Dalka

Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo ah lataliyaha madaxweyne Farmaajo ee arrimaha siyaasadda ayaa dhaliilay hey’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in aan lagu kalsoonaan karin maxkamadaha, wasaaradaha, baarlamaanka iyo garsoorka,  Xeer-ilaaliyaha ayuu ku tilmaamay mid shaqo kale heysta oo tii loogu talo-galay dayacay.

Ugu horeyn isaga oo ka hadlay sida ay u liitaan maxkamadaha iyo wasaaradaha “Annaga maxaa ku dhacay Institutions marka, maleenahay Institutions xoogan, qaran leh Institutions, ma lihin, Maxkamadaheenna ma yihiim maxkamad marka ay garta gooyso qofka Soomaaliga ah ku kalsoonaan karo, ma jirto, maxkamadaheennu ma laha, wasaaradihii malagu kalsoonaan karaa, oo wasaaradda malagu kalsoonaan karaa in ay umadda dhan u simman tahay, oo wasiirkaasi uu wasiir u yahay umadda Soomaaliyeed, mise waxaan sharciyeyney wasaaraddu inuu qabiil leeyahay, oo wasaaradda qabiil la siinaayo, oo qabiil hebel wasaaraddaasi ayaa la siiyay la leeyahay, ninka marka la dhaho wasaaraddaasi qabiil hebel ayaa la siiyay, hade wasaaraddaasi qaranka uguma adeegaayo ee qabiilka ayuu ugu adeegaa, sow ma aha”

Dhinaca kale, Tarsan waxaa uu ka hadlay nidaamka 4.5 isaga oo yiri “Marka waxaa la keenay 4.5, cadaw ayaa loo bixiyay, 4.5 wadaniyadda ayey ka soo horjeeddaa, kartida ayey ka soo horjeedaa, aqoonta ayey ka soo horjeedaa, waxtarka ayey ka soo horjeedaa, ammaanada ayey ka soo horjeedaa, ma dhaafsaneen in qabaa’ilka Soomaalidu matalaad ku yeeshaan baarlamaanka, waa inta loogu talo-galay, dastuurkeenna kuma qorna, meel ay sharciga uga qoran tahay ma jirto 4.5, ma aheen in hoos loo dajiyo oo wasiirrada, agaasimayaasha, dhakhaatiirka iyo janannada laga dhigo, maanta janan la rabo in ciidan 20 kun, 30 kun dagaal geliyo ayaa sifada lagu keenayo ay tahay qabiilka uu ka dhashay, nabad sugidda ayaa lagu keenayaa qabiilka uu ka dhashay, booliiskiibaa lagu keenayaa qabiilka uu ka dhashay, ilaahbaan idiinku dhaariyee Institutionskaas ma dhisnaan karaa mise ma dhisnaan karo”.

Baarlamaanka ayuu sheegay in madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha ka cabsadaan oo 90% waqtiga labadaasi mas’uul qaateen” Baarlamaankeenni shaqadii loo doortay ma hayaa, wuxuu ahaa sharci-dejiye ee sharci-dejiye ma yahay baarlamaanka, baarlamaankeeni shaqadii loo doortay ma hayo, baarlamaankeennu waxaa uu ku jiraa ganacsi siyaasadeedbuu ku jiraa, 90% madaxweynaha waqtigiisa waxaa qaato baarlamaanka, 90% waqtiga ra’isul wasaaraha waxaa qaaday baarlamaanka, madaxweynah ma waxaa loo doortay in baarlamaanka u shaqeeyo mise waxaa loo doortay in uu shacbka Soomalaiyeed gees ka gees u shaqeeyo, PM-ka iyo xukuumadda waxaa loo doortay in baarlamaanka u shaqeeyo mise umadda Soomaaliyeed uu u qorsheeyo adeeggii bulshadan ay u baahneed, bal waxaa uu noqday mid madaxweynihii iyo PM argigixiaya, oo cabsi geliya, oo ay ka cabsadaan, madaxweynihiibaa I qaabili-waayey mooshinbaa ka keenaa, madaxweynihiibaa albaabka iga xirtay mooshinbaa ka keenaa, PM-ka baa xaaskeyga u diri waayey isbitaal, mooshinbaa ka keenayaa, PMbaa wiil ii geyn waayey shaqo mooshinbaa ka keenayaa, taas ayey noqotay”.

Ugu dambeyntii waxaa uu dhaliilay xeer ilaaliayaha iyo garsoorka dalka “Maxamadaha xaalka ka warama, ma maqasheen weligiin 5 sano oo isku xigta ayaan noqonay dowladda ugu musuqa badan adduunka, weli ma maqasheen Xeer ilaaliyaheena oo qof mas’uul musuq ku soo eedeeyay, micnaheeddu ma shaqeynayo weeye, shaqo kale ayuu heystaa, shaqadii loogu talo-galay ma heysto, maxkamaheenna dalka dhulkoodii, hantidoodii iyo beerahoodii ayaa laga shaqeysanaayaa, maanta ma jirto qof ku kalsoon in uu maxkamadaasi cadaalad ka helaayo”.

Goobjoog News