U bood dhigaalka

Laascaanood: Shacabka Oo u Dareeray Goobaha Codbixinta Ee Doorashada Somaliland

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa saakay waxay si nabad ah ugu dareereen doorashada madaxweyne ee Somaliland.

Wariyaheena Faarax Dubad ayaa soo sheegaya in dadka ku sugan Laascaanood iyo hareeraheeda ay ka codeynayaan illaa iyo 32 xarun.

Dadka qaar ayaan horey uga qeybqaadan doorashooyinkaan, waxaana xubnaha ka socda guddiga doorashada ay ku mashquulsan yihiin sidii ay dadka u fahamsiin lahaayeen hannaanka ay u codeynayaan.

Ammaanka guud ee magaalada Laascaanood ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la ogoleyn ganacsiga iyo sidoo kale dhaq dhaqaaqa gaadiidka.

Ciidamo badan ayaa lagu soo daadiyey magaalada Laascaanood si ay u xaqiijiyaan ammaanka.

Dhanka kale, guud ahaan gobolka Sool waxaa si habsami leh uga socota doorashada Somaliland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News