U bood dhigaalka

Labada Caalim ee Ku Guuleystay Abaalmarinta Nobel-ka Dhaqaalaha Sandkan 2016

Sheeko:War

Labada Caalim ee Oliver Hart iyo Benget Holmstrom ayaa ku guuleystay abaalmarinta Nobel Prize dhaqaalaha sanadka 2016, waxayna ku heleen kaalintooda cusub ee dhaqaalaha shuraakada ku saleysan iyo sida loo wadaagayo khasaaraha .

Akaadamiyadda boqortooyada Swedan ee Sciences-ka ayaa 10 bishan October ku dhawaaqday in abaalmarinta Nobel Prize dhaqaalaha sanadkan 2016 ay ku guuleysteen  labada Caalim ee kala ah Oliver Hart iyo Benet Holmstrom.

Shaqada labadan caalim ay qabteen ayaa ah iney aasaaskeedii dhigeen aragtida siyaasad-dejinta iyo bilowga hay’adaha meelaha kala duwan ganacsiga, oo ay ku jiraan sharciyada shirkadaha khasaaraha iyo Dastuurada siyaasadeed. Waxay si wanaagsan uga hadleen in heshiiska shuraakada uu noqdo mid faahfaahintiisa wax kasta lagu xuso, iyagoo hoosta ka xariiqay in kolba qofka dhankiisa uu gaabisku ka yimaaddo kan kale uu xaq u leeyahay inuu shuraakada uga baxo, sabab ku aaddan khasaare ka carar darteed.

Bear Stormberg oo ka tirsan Akaadamiyadda abaalmarintan bixisay ee guddiga Nobel-ka oo ah borofisar ka tirsan machadka  Stockholm ee dhaqaalaha  ayaa yiri; “Tani waa aragti aad u muhiim ah loogamana faa’ideysankaro dhaqaalaha oo kaliye, ee sidaas oo kale waxaa looga faa’ideysan karaa cilmiga bulshada”.

Abaalmarinta ayaa ah mid dadka ku guuleysta la siiyo shahaadooyin, bilado dahab ah iyo lagac u dhiganta 928 kun oo dollar, oo loo kala qeybinayo labadan caalim.

Abaalmarintan dhaqaalaha ayaa magaceeda rasmiga ah loo yaqaanay ” Abaalmarinta Bankiga Sweden ee cilmiga iyo dhaqaalaha”, abaalmarintan ayaa lagu soo kordhiyay sanadkii 1968-dii, kameyna mid ahayn abaalmarinada asalkii hore uu ka dardaaramay caalamika reer Sweden Alfred Nobel dardaarankiisiina ka mid ahaa sanadkii 1895.

Abaalmarinda sanadkal Nobelka la qaatay ayaa waxaa laga waayay shakhsi mareykan dhalad ah, in kasta oo Lix ka mid ah culumadii ku guuleysatay Nobelka sandkan 2016, ay wax ka dhigaan jaamacado Mareykan ah.

Goobjoog News