U bood dhigaalka

Labo Askari Oo Lagu Dilay Boosaaso

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in rag ku hubeysan Bistoolado ay gabal dhacii maanta magaaladaasi ku dileen Labo askari oo ka tirsan ciidamada Puntland.

Askartaan oo ku sugnaa bartamaha Boosaaso ayaa la sheegay in si lama filaan ah ay u dul yimaadeen dhallinyaro Bistoolado ku hubeysan, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Goobta dilka uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo kale oo Puntland ah kuwaasi oo halkaa ka bilaabey baaritaan aan natiijadiisa la shaacin.

Magaalada Boosaaso waxaa maalmihii ugu dambeeyey kusoo badaneyey dilalka qorsheysan, iyadoo magaaladaasi Labadii Bil ee ugu dambeysay lagu dilay saraakiil iyo mas’uuliyiin Puntland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News