U bood dhigaalka

Labo Qof Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyoodey Galgaduud

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xaalad adag oo dhanka caafimaadka ah ay ka jirto deegaanno hoostaga degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Ugaas Salaad Maxamed Rooble oo kamid ah waxgaradka Cadaado ayaa u sheegay Goobjoog News, in Labo ruux ay cudurka Shuban biyoodka xalay ugu geeriyootey deegaan ku dhow degmadaasi.

Waxa uu tilmaamay Ugaaska iney jiraaan dad badan oo la il daran cudurkaan iyo sidoo kale cudurka Jadeecada.

“Labo qof ayaa shuban biyood ugu geeriyootey duleedka Cadaado, kuwo kale waa ay xanuunsan yihiin, annaga ka waxgarad ahaan waan dedaalnay, abaartii ayaa saameysay dadkaan, kaliya mid ama Laba deegaan ma ahan meelaha ay xaaladda adag ka jirto ee sidoo kale gobolka intiisa badan waaye” ayuu yiri Ugaaska.

Ugu dambeyn Ugaas Salaad ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug iyo sidoo kale dowladda Federaalka in gurmad degdeg ah loo sameeyo shacabka ku dhibban guud ahaan gobolka Galgaduud.

Goobjoog News