U bood dhigaalka

Labo Qof Oo Ku Geeriyootey Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah fahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo saakay ka dhacay nawaaxiga Jaamacaddii Gaheyr ee magaalada Muqdisho, kasi oo khasaare ka dhashay.

Qaraxan ayaa la sheegay in la dhigay goob qashin badan yaallay, waxaana halkaasi ku dhimatay Labo qof oo shacab ah,mid kamid ah haweeney ayey ahayd, sida ay inoo xaqiijiyeen goob joogayaal.

Halka qaraxa uu ka dhacay waxaa tagay ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo baaritaanno sameeyay.

Qaraxyada sidan oo kale ah ayaa maalmahan dambe kusoo noq noqonaya magaalada Muqdisho oo amnigeeda soo hagaagayey.

Goobjoog News