U bood dhigaalka

Labo Ruux Oo Shacab Ah Ayaa Maanta Lagu Diley Degmada Wadajir, Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamo la sheegay iney ka tirsan yihiin dowladda Federaala Soomaaliya ayaa maanta waxa ay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dileen Labo qof oo la tilmaamay iney shacab ahaayeen.

Wararka qaar waxay sheegayaan in askarta dilka geystay ay halkaasi lacago ka qaadayeen, walow aan la ogeyn illaa hadda sababta ay dadkaasi u dileen.

Meydka Labada qof ee la dilay oo saacado yaallay halkaasi ayaa ugu dambeyn waxaa goobta ka qaaday dad la sheegay iney ehal la ahaayeen dadkaasi, iyadoo dhanka kale halkaasi ay gaareen ciidamo ka tirsan dowladda.

Maamulka degmada Dharkeenley oo aynu isku daynay inaan arrintan wax ka su’aalno ayaa ka gaabsaday, iyadoo xaaladda suuqa dilka uu ka dhacay tahay mid deggan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News