U bood dhigaalka

Labo Taliye Oo Shaqada Looga Fariisiyay Arrimo La Xiriira Dilkii Saraakiisha Ururka Haweenka Qaranka

Sheeko:Dalka

2 Taliye oo kala ah, Taliyaha Booliiska iyo Taliyaha Nabad-sugidda ee degmada Xamar-weyne ayaa shaqada laga fariisiyay maalmo kadib dilkii 2 sarkaal oo ka tirsan ururka haweenka Qaranka

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in 12 askari oo degmada ka tirsan loo xiray in ay ka maqnaayeen shaqada xilliga weerarka uu dhacayey, waxaa kale oo la xiray qof looga shakiyay in uu riday xabadaha ay 2bada qof ku dhinteen.

September 27, 2017-kii, waxaa degmada Xamar-weyne lagu dilay xoghayaha guud ee Ururka Haweenka Qaranka Canab Cabdullaahi Xaashi iyo guddoomiyaha dhalinyrada Axmed Xaashi Xirsi, dowladda ayaa qabsatay maamlmo si loo ciqaabo falkaasi dadkii ka dambeeyay.

Goobjoog News