U bood dhigaalka

Lacagta Bitcoin oo Tartan Adag kula Jirta Doollarka

Sheeko:War

Bitcoin oo ah lacag elektaroonig ah ayaa la filayaa iney si xoog ah ula tartanto lacagta dollarka oo la filayo iney qiimo dhac uu ku yimaaddo xilliga madaxtinimo ee Madaxweyne Donald Trump.

Warbixin ka soo baxday Bankiga Caalamiga ah Saxo ayaa lagu sheegay in lacagta Bitcoin ay kor u kac record  ah ay sameyn doonto xilliga madaxtinimada madaxweyne Donald Trump iyadoo qiimaha lacagtan ay kor u kici doonto marka loo eego dollarka qiima dhan $2100.

Bankiga Saxo oo ah Banki elektaroonig ah oo heer caalami ah ayaa soo daabacay warabixin uu cinwaan uga dhiga “Filashooyinka sanadka 2017”, oo uu ku saadaaliyay in maamulka Trump uu gaab ku imaan doono miisaaniyada Mareykanka, gaabkaa oo lagu qiyaasayo 600 bilyan oo dollar gaari karana illaa 1.2-1.8 trillion dollars.

Haddii saadaalintani dhabowdo, waxaa iman doonta in sicir barar uu soo waajaho dhaqaalaha Mareykanka, iyadoo taasi ay keeni karto iney saameyn ku yeelato suuqayada dunida ee soo koraysa sida; kan Shiinaha oo ay aad u saameyn doonto lacagaha faraha badan ee dowladda Mareykanku ay ku soo daynayso suuqyada dunida, taas oo keenaysa qiimo dhac ku yimaadda lacagta doolar Mareykanka. Qiimo dhac ku yimaadda lacagta doolar Mareykanka ayaa keenaya iney dadku raadiyaan wax bedel u noqon kara lacagta doolar.

Bitcoin oo ah lacag Elektaronig ah oo sida EVC Plus-ka oo kale ah, waxaa qaabeeyay shakhsi aan la garneyn laakiin magaciisa lagu sheegay “Satoshi Nakamoto”, waa lacag elektaroonig ah Internet-kana lagu adeegsado sida; EVC-ga oo kale, waxaa loo adeegsan karaa sida lacagtaa oo kale, waxbaad ku iibsan kartaa, laagana iibsan karaa, lacag caadi ah ayaana laguugu bedeli karaa.

Qiimaha Bitcoin ayaa bilowgii 2016 waxaa lagu kala iibsanayay $400, waxa uu gaaray gaaray 7 January $878.30-1100 dollar.

Goobjoog News