U bood dhigaalka

Lebnon: Xariiri Oo Mar kale Isku Casili-doona Gudaha Lebnon

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaarihii  is casilay ee dalka Lebanon Sacad Xariri ayaa sheegay inuu ku laaban-doono dalkiisa maalmaha soo socda si uu rasmi iskaga casilo xilkaani.

Xariri oo wareysi siinayay mid ka mida Telefishinada ku yaalo Sacuudiga ayaa yiri “Waxaan ku laaban-doonaa Lebanon maalmaha soo socda si aan u dhameystiro tallaabooyin la xiriira arrimaha dastuurka ee is casilidda iyo inaan sameeyo latashiyo”.

Sacad Xariiri ayaa 4 November iska casilay xilka ra’iisulwasaaraha Lebanon isaga oo ku sugan magaalada Riyaadh ee dalka sacuudiga.

Iscasilaadiisa ayaa waxaa uu ku sheegay in loo maleegayo  sirqoolo sidaas daraadeedna uu siku casilay.

Xarir ayaa ku eedeeyay Xisbullah iyo Iran inay dunida Carabeed ay ka wadaan fidnooyin .

Goobjoog News