U bood dhigaalka

Liberia: George Weah Oo Ku Horeeya Codadka La Tiriyay, Waa Kuma Weah?

Sheeko:Dalka

Natiijada horudhac ah ee doorashooyinka dalka Liberia ayaa muujinaya in uu ku horeeyo ciyaar-yahanka caan ah George Weah. Guddiga doorashada dalkaasi oo loo yaqaano (NEC) waxaa ay sheegayaan in  Mr Weah uu ku horeeyo  11 gobol oo ka mid ah  15 gobol ee dalkaasi.

Murashaxa waxaa uu baahan yahay in uu helo wax ka badana 50% , haddii intaasi la heli waayey waxaa doorashada lagu celin-doonaa bisha November

George Weah

George Weah waa laacib caan ah oo horay ugu soo ciyaaray xulka Liberia iyo kooxda Milan, sanadkii 1995 waxaa uu noqday ciyaar-yahanka ugu fiican dunida.

Waxaa uu George Weah madaxtinimada dalkaasi u tartamay 2005tii laakin wareeggii labaad ayaa looga adkaaday.

Isma dhiibin George Weah ee waxaa uu mar kale tartamay isaga oo ku xigeen ah 2011kii, waana laga adkaaday, waxaase  2014kii ka mid noqday golaha guurtida.

Goobjoog News