U bood dhigaalka

Maalinta Calanka Oo Laga Xusay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Munaaasabad lagu maamuusayey maalinta Calanka Soomaaliyeed ayaa xalay ahaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, xildhibaaanno, wasiirro, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo shacab badan ayaa ka qeybgalay munaasabadan.

Waxaa munaasabaddan lagu soo bandhigay halgankii iyo taariikhda calanka Soomaaliyeed.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo halkaasi hadal ka jeedisay ayaa ugu horreyn soo bandhigtay magacyada 9 xubnood oo noqon doona golaha KMG ah ee dhallinayarada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo hadal qaaday ahmiyadda calanka Soomaaliyeed, dedaalkii loo soo maray in la helo calan u gaar ah umadda Soomaaliyeed iyo sida lagu sii xajisan karo sharafta iyo jiritaanka calanka.

Ugu dambey, guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyey waxa uu hambalyo ugu diray umadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in calanka Soomaaliyeed loo soo maray halgan aad u dheer, loona baahan yahay in la xafido halgankaasi mirodhalkiisa.

Goobjoog News