U bood dhigaalka

Maalinta Caruurta Adduunka Oo Laga Xusay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Munaasabadda xuska maalinta Caruurta adduunka ayaa maanta lagu qabtay xarunta gabdhaha agoonta degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin u dooda xuquuqda caruurta.

Sagal Cali Maxamuud oo kamid ah mas’uuliyiinta hay’adda Tubta Nabadda Soomaaliyeed waxay sheegtay in carruurta Soomaaliyeed ay hadda ku sugan yihiin dhibaatooyin aad u xooggan oo ay kamid yihiin askareynta iyo in lagu shaqeysto iyaga oo aan gaarin da’da shaqada.

Waxay Sagal dowladda iyo hay’adaha kaleba ugu baaqday in laga shaqeeyo badbaadinta caruurta Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah carruurta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwii ka qeybgalay munaasabadda ayaa ka digey in caruurta lagu shaqeysto, sidoo kalena la askareeyo.

“Waxaan wargelin lahaa dowladda iyo hooyooyinka in caruurta laga dhaafo ku shaqeysiga iyo askareynta, waxaan leeyahay hooyooyinka in maanta oo kale caruurta laga farxiyo, sababtoo ah waa maalin caan ah, xuska maalinta caruurta adduunka” sidaasi waxa tiri Canab Xasan Cismaan.

Carruurta Soomaaliyeed ayaa ah kuwo u baahan daryeel wanaagsan, sidoo kalena ka nabad gala qataraha dalka ka jira.

Goobjoog News