U bood dhigaalka

Maalintii Saddexaad Oo Xiran Iskuul Ay Wax Ku Baran Jireen Ardeyda Dhuusomareeb

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in maalintii Saddexaad uu xiranyahay Iskuul ay wax ku baran jireen inta badan ardeyda ku nool degmadaasi.

Iskuulkan la xirey ayaa lagu magacaabaa Gurmad, waxaana la’aas aasey sanadkii 2012, iyadoo ay si iskood ah u aasaaseen dhallinyarada waxbaratay ee degmadaasi.

Mas’uuliyiinta dhanka waxbarashada u qaabilsan maamulka Ahlu-sunna ee degmadaasi ayaa la sheegay iney ku amreen maaamulka Iskuulka in ay wareejiyaan furaha islamarkaana ay halkaasi baneeyaan.

Guddoomiyaha dhanka waxbarashada ururka Garaad Axmed C/naasir Cabdulle oo iskuulkaasi gacanta ku hayey ayaa u sheegay Goobjoog News, in marar badan ay u yimaadeen xubno ka socday Ahlu-sunna oo ay kala hadleen arrimaha iskuulka.

Dhanka kale guddoomiyaha degmada Dhuusomareeb ee Ahlu-sunna C/laahi Maxamed Barre oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in aysan jirin iskuul ay xireen, balse ay go’aansadeen iney tayeeyaan waxbarashada deegaannada ay gacanta ku hayso maamulka Ahlu-sunna.

Wuxuu sheegay in maamulka uu bixin doono lacagta macallimiinta balse dad dano gaar ah leh ay faafiyeen warar aan sax ahayn waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Si qaldan ayaa warka loo faafiyey, iskuulka waxaa markii hore abaabuilay dhallinyaro Soomaaliyeed, mushaaraadka ayeey bixin jireen, culeyso badan baa ku yimid, maamul ayaa deegaanka ka jira, marka haddii uu culeys yimid iyaga ayaa laga doonayaa iney tayeeyaan, waxaana maamulka uu ballanqaadey in la teeyo Iskuulka ayna bixiyaan qarashka macallimiinta” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb.

Ardeydii dhiganayey Iskuulkan ayaa weli xaadirin, waxaana qaar kamid ah waalidiinta ardeyda ay sheegeen in ciidan loo adeegsaday mar ay doonayeen iney ka arrinsadaan aayahay iskuulkaasi.

Goobjoog News