U bood dhigaalka

Maamul Goboleedyada Oo Dib Loogu Celin Doono Liiska Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Afar ka mid ah lixda maamul goboleed ee dalka ayaa maanta si rasmi ah murashaxiinta aqalka sare ugu gudbiyay guddiga doorashada dadban ee federaalka balse liiska la helay ayaanan noqon mid lagu qanco.

Inkasta oo hubinta guddiga doorashada ay socoto hadana ilo ku dhaw guddiga doorashada ayaa Goobjoog News u sheegaya in 3 ka mid ah 4-ta maamul goboleed ee maanta liiska murashaxiita aqalka sare soo gudbisay mar kale lagu celin doono.

Maamul Koofur Galbeed ayaa noqday maamulka keliya ee keenay qoondadii haweenka kadib markii liiska uu soo daray 5 haween ah, tiradaas oo u dhiganta ilaa 31%.

Maamulka Puntlan oo ku xiga waxaa uu keenay qoondo ilaa 23%, Galmudug  waxaa ay murashaxiinta  ku soo dareen 4 haween oo u dhiganta ilaa 21% halka Jubbaland liiska ay soo gudbisay laga dhex arki karo ilaa 3 haween ah oo u dhiganta ilaa 15%.

Shuruudaha ay guddiga doorashada hubin doonaan:

In uu yahay muwaadin Soomaaliyeed.

In aanu dhimirka la’eyn.

Da’diisu waa in aaney ka yaren 25 sano.

Xuquuqdiisa muwaadinnimo go’aan maxkamadeed lagu hakin 5-tii sano ee ugu dambeysay.

Heysto waxbarasho shahaado dugsi sare ah ama khibrad u dhiganta .

In aanu xiriir la laheyn kooxaha loogu yeero argigixisada.

Qoondada Haweenka: waxaa la filayaa sidoo kale in hubiyo qoondada haweenka oo 30% laga doonayo liiska ay soo gudbinayaan maamul goboleedyada.

Lacagta: Waxaa kaloo laga hubin doonaa in ay lacagta bixiyeen, lacagta la rabo ragga waa $10,000 halka haweenka laga qaadi doono ilaa $5,000.

Goobjoog News