U bood dhigaalka

Maamulka Balcad Oo Ka Qeylo Qaaday Isbitaal La’aan

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa sheegay in degmadaasi iyo deegaannada hoostaga ay ka jiraan cudurro ay kamid yihiin duumada,  jadeecada iyo sidoo kale shuban biyoodka.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulkaasi Jeelle Jeelle Maxaas Jiimbaar oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in degmada aanu ka jirin xarumo caafimaad oo dadka ay cuduradan soo ritaan lagu daweeyo, taasi oo xaaladda meel halis ah sii geysay.

Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in dhammaan dadka cuuradan ay soo ritaan loo soo qaado isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho si xaaladooda wax looga qabto.

“Cudurro badan ayaa ka jira degmada iyo deegaannada hoostada, sida Duumada, Shubanka iyo Jadeecada, dadka xaaladooda daran waxaan uq aadnaa magaalada Muqdisho, illaa hadda ma qabno xarun caafimaad oo dadka wax looga qabto” ayuu yiri Jiimbaar.

Guddoomiye Jiimbaar ayaa ugu dambeyn ugu baaqay hay’adaha samofalka ah iney xarumo caafimaad ka hirgeliyaan degmada Balcad si wax loogu qabto dadka degmadaas iyo deegaannada ku dhow deggan.

Goobjoog News