U bood dhigaalka

Maamulka Buurhakaba Oo Baaq u Direy Dowladda Iyo Hay’adaha Samofalka Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka Degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa ka warbixiyey xaaladda nololeed ee qoysaska ku nool degmadaasi iyo sidoo kale deegaannada kale ee ku dhow.

Guddoomiyaha degmadaasi Cabdi Maxamed Axmed oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka uu dhibaato badan ku hayo deegaannada ku dhow degmadaasi.

Wuxuu sheegay in dad gaaraya 100 qof ay Afartii bil ee lasoo dhaafay ugu dhinteen deegaannada baadiyaha ah ee ku dhow degmada Buurhakaba.

“Xaaladda dadka wey iska liidataa, dadku raashiin, dawo iyo Biyo isaga baahan yihiin, abaarta wax u dhintey ma arag, laakiinse dad gaaraya Boqol ayaa u dhintey Shuban Biyoodka deegaannada ku dhow degmada ee baadiyaha ah” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn guddoomiyaha degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya, Hay’adaha Samofalka iyo maamulka K/galbeed in gurmad dhan walbo leh lala soo gaaro qoysaska ku dhibban degmadaasi iyo nawaaxigeeda.

Goobjoog News