U bood dhigaalka

Maamulka Cusub Ee Gobolka Galgaduud Oo Ballan Qaaday Wax Ka Qabashada Ammaanka Gobolkaasi

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Galgaduud ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News kaga halday arrimaha kaga qorsheysan gobolkaasi.

Maxamed Cali Cilmi ayaa sheegay in abaaro adag ay ka jiraan gobolka Galgaduud taasoo aan horey loo arag.

“Aniga waxaan ka shaqeyn doonaa arrimaha abaaraha, runtii abaar daran baa ka jirta gobolka Galgaduud oo degaannada inta badan aan dhowaan socdaal ku soo maray, waxaan Alle dadkayga uga baryayaa in Ilaahey dhibaatada uu ka dulqaado” ayuu yiri Maxamed Cali.

Dhanka kale waxa uu ka hadlay arrimaha ammaanka gobolka Galgaduud iyo siyaasadda oo uu sheegay in khilaafyo kala duwan uu gobolkaasi ka jiro.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay dagaal aano qabiil oo ka soo cusboonaaday degaanka Gadoon, waxa uuna tilmaamay inuu cambaareynayo dagaalkaasi.

“Waan maqlay dagaalka Gadoon, waxaana rajaynayaa in la dejiyo xiisadda, waad la socotaa dagaalladan waa soo laablaabteen laakiin inaan wax ka qabanno ayaa inooga qorsheysan, waxaa sidoo kale jira siyaasado isdiidan oo gobolka Galgaduud ah waxaana dhammaan shacabka u sheegayaa inay muhiim tahay in wax la wada qabsado” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Galgaduud.

Hadalka guddoomiyaha cusub ee gobolka Galgaduud Maxamed Cali Cilmi ayaa ku soo aadayaa iyadoo dhowaan la magacaabo islamarkaana uu warbaahinta Goobjoog siiyo wareysigii ugu horreeyay tan iyo markii todobaadkaan loo magacaabay xilkani

Goobjoog News