U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Buuloburde Oo Ka Warbixiyay Halka Uu Marayo Dhisamaha Garoonka Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Buuloburde ee gobalka Hiiraan ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay halka uu marayo dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmadaasi, kaasi oo socda muddo ku dhaw Seddax Bil.

Cismaan Geeddi Cilmi oo ah duqa magaaladaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in qorshaha lagu dhisayo Garoonkaasi ay iska kaashanayaan oo kaliya shacabka iyo maamulka degmada waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay in dhismaha garoonkaan ay ka bilaabeen meel hoose, maadaama uu aad u burbursanaa.

“Garoonkaan anaga ayaa hadda isku xil qaannay, dhismahiisa waxaan ka bilawnay meel hoose, waxaana magaalada uu u jiraa 5-KM, waxaana rajeynaynaa in uu noqdo garoonka ugu weyn gobalada dhexe” ayuu yiri Duqa Buuloburde.

Dhinca kale mas’uulkaan ayaa sheegay in aysan haysan cid ka gacan siisa dhismaha garoonkaan, hadii ay ahaan lahayd jaaliyadaha reer Hiiraan iyo sidoo kale dowladda Federaalka.

Ugu dambeyn ayaa Cismaan Geeddi Cilmi waxa uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo shacabka gobalka Hiiraan in ay u istaagaan sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen dhismaha Garoonkaasi.

Goobjoog News