U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Diinsoor Oo Sheegay Iney Dileen Dagaalyahanno Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sheegay in howlgl ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada dowldda Federaalka Soomaaliya, kuwa Koonfur Galbeed iyo AMISOM ay ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka degmada Diinsoor Abshir Macallin Shariif oo la hadlay Goojoog News ayaa sheegay in ciidamada ay howlgallo ka sameeyeen deegaanka Raaxoole oo ku dhow degmadaasi, isaga oo sheegay in halkaasi ay kula dagaallameen Al-shabaab.

Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka iney dileen Afar kamid ah dagaalyahannada Al-shabaab, mid kamid ahna wuxuu ku sheegay inuu yahay sarkaal sare oo ciidamadii Al-shabaab hoggaaminayey waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Howlgallo culus ayeey ciidamada waxay ka sameeyeen deegaanka Raaxoole, waxaan ka dilnay nimanka nabad diidka ah Afar nin oo mid uu yahay Amiir, welina howlgaalkasi waa uu soconayaa” ayuu yiri guddoomiye Shariif.

Dhanka Al-shabaab weli wax war ah kama aaney soo saarin wax ka jira in dagaalyahanno looga dilay gobolka Baay, hase ahaatee ciidamada amniga ayaa maalmihii dame waxay gobolka Baay ka wadeen howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Goobjoog News