U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Mahadaay Oo Ku Baaqay In Miino Baaris Lagu Sameeyo Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in ay jiraan miinooyin ku aasan waddooyinka degmadaasi, kadib qarax waxyeello geystay oo shalay ka dhacay degmadaasi.

Axmed Xuseen Afrax, guddoomiyaha degmada Mahadaay oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in aan la yareysan karin Miinooyinka ku aasan waddooyinka degmada, isaga oo ku baaqay in degdeg arrintan wax looga qabto.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay Talisyada Nabad sugidda iyo Xoogga dalka ay ku waregeliyeen cabsida ay ka qabaan Miinooyinka, loona baahan yahay in baaritaan dhab ah la sameeyo, amnigana la sugo.

“Cabsi ayaan ka qabnaa in Miinooyin ay ku aasan yihiin waddooyinka degmada, hay’adaha Miin baarista ah waa inoo yimaadeen, laakiinse waxaa loo baahan yahay waxqabad dhab ah, waxaan u sheegnay Nabad sugidda iyo xoogga dalka in wax laga qabto Miinooyinkaan hadda waxyeellada u geysta dadka shacabka ah” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu yaraan Saddex ruux ayaa ku geeriyootey tiro intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmeen qarax Miino oo shalay ka dhacay degmada Mahadaay ee Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News