U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Wadajir Oo Mamnuucay In Wax Lagu Iibiyo Hareeraha Isgoyska Zoobe

Sheeko:Dalka

Maamulka degamada Wadajir ayaa amar cusub kusoo rogay ganacsatada yar yar ee wax ku iibisa hareeraha isgoyska Soobe.

Gudoomiyaha degmada Wadajir Sheekh Cumar Cabdullaahi Xasan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in maamulka degmada uu gebi ahaanba mamnuucay in wax lagu iibiyo wadada hareeraheeda, wixii maanta ka dambeeya.

Maamulka ayaa sheegay in amaan ahaan aysan u wanaagsaneyn in ganacsatadaas ay wadada hareeraheeda wax ku iibiyaan, sidaa darteedna maamulka uu go’aansaday in la mamunuuco.

“Sida aad la socotaanba maadaamaa maalmo kahor meeshaan aan taaganahay dhib uu ka dhacay waxaan ka maamul ahaan ka mamnuucnay ganacsiyadii laamiyada hareeraheeda lagu hayay, ganacsiyadaas oo aad ka warqabtiin maalintii dhibka markuu dhacay baaba’a ugu xooggan (iyaga ayuu soo gaaray)…..” ayuu yiri guddoomiyaha

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Sidaa darteed umadda waxaan fareynaa in nabadgelyo ahaan ineysan ku habooneyn in meeshaa iyada ah baabuurtii iyo ganacsiyadii ay isdhexmaraan.”

Hareeraha isgoyska Zoobe waxaa horay wax ugu iibin jiray ganacsato yar yar oo shidaalka, khaadka, khudaarta, cadayga iyo wixii lamid ah ku iibin jiray, balse dadkaasi badi waxay waxyeello kasoo gaartay qaraxii ka dhacay isgoyskaasi.

Amarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli Todobaad kahor uu qarax xooggan oo galaaftay nolosha boqolaal qof oo ka dhacay isgoyska Soobe, dadkaasoo isugu jiray ganacsato hareeraha wadada wax ku iibinayay iyo shacab kale oo tiro badan.

Ugu dambeyntii waxuu guddoomiyaha intaasi kusii daray in ay muhiim tahay in ganacsatada ay u hogaansamaan awaamirta maamulka.

Goobjoog News