U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Wadajir: Waxaan Qabannay Rag Hoobiyeyaal Tuurayey

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen rag Hoobiyeyaal ka tuurayey degmadaasi, kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka.

Ax,ed C/lle Afrax guddoomiyaha degmadaasi oo goor dhow la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in raggan ay gur ku yaalla waaxda Jeneraal Daa’uud ee degmada Wadajir ka tureen dhowr madfac, balse ay ciidanka ku baxeen.

Wuxuu sheegay in mid kamid ah raggaasi la dilay, hubkii la qabtay, mid kalena uu iska caabin ku wado ciidamada ammaanka isaga oo ku dhex jira gurigii uu hoobiyaha ku tuurey, ciidankuna waa ay ku hareereysan yihiin.

“Niman cadow ah ayaa madaafiic tuuray, howl ayaa socota, waxna waa laga dilay waxna gacantaa lagu hayaa, howsho waa ay ballaaran tahay, meello kala duwan ayeey qaarkood ku carareen, mid iyagii kamid ah guri ayuu ku dhex jiraa oo uu wax kasoo dhex tuurayaa, ciidankana howlgalka waa ay wadaan oo ninka guriga uu ku jiro ayeey ku hareeresan yihiin” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale Hoobiyeyaasha laga tuurey degmada Wadajir oo ku dhacay isla xaafado ka tirsan degmadaasi ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, welina lama oga khasaarahaasi inta uu la egyahay.

Goobjoog News