U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Sheegay In Ay Dhaqan Gali Doonto Qaadashada Lacagta Shilin Soomaaliga Ah

Sheeko:Dalka

Cabdi Daahir Xuseen Cali Wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee maamulka Galmudug oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in fadhi ay yeesheen wasiirrada maamulka Galmudug in ay isku af garteen in la socodsiiyo lacagta Shilinka Soomaaliga ah, isaga oo intaa raaciyay in wareegto cad oo quseysa ganacsatada ay soo saari doonaan arrinkaasna ciddii ka hortimaado tallaabo laga qaadi doono.

Wasiir ku xigeenka ayaa ugu baaqay ganacsatada ku dhaqan gobollada dhexe in ay u dhimriyaan shacabka masaakiinta ah ee ku nool deegaannadaasi, waxaa uu intaas ku daray in loo baahanyahay in si dhaqso ah loo socodsiiyo lacagta.

“ Lacagtaas waxaa la go’aamiyay in laga socodsiiyo deegaannada Galmudug iyo deegaannada kale oo aan deriska nahnay, waxaa la go’aamiyay in lacagtaas la qaato, wayna dhaqan galeysaa”.

Diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga ee gobollada dhexe ayaa waxay saameyn ku yeelatay dad badan oo danyar ah kuwaas oo ku dhaqan deegaanno badan oo ka tirsan gobolladaasi.

Goobjoog News,