U bood dhigaalka

Maamulka G/banaadir: Baaritaan Ayaan Ku Wadnaa Qaraxii Lagu Dhaawacay Wariye Karasaay

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay iney baarayaan ciddii ka dambeysay qaraxii maanta uu ku dhaawacmay C/xamiid Karasaay oo ka tirsan wariyeyaasha Tv-ga Universal.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay ugu horreyn iney ka xun yihiin qaraxaasi, islamarkaana ay bilaabeen baaritaanno ku aaddan arrintaasi.

“Weli baaritaanka ayaa socda, wariyahana hadda waa la dabiibayaa, wixii kasoo baxana waan idiinla wadaageynaa, gaarigiisa ayaa miinada loogu xirey, isaga ayaana gacantiisa ku wate” ayuu yiri Afhayeenka.

Wariye Karasaay ayaa hadda lagu dabiibayaa mid kamid ah Isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo dhaawac halis ahna uu soo gaaray.

Wariyaha ayaa ku dhaawacmay qarax la sheegay inuu ku xirnaa gaarigiisa, waxaana uu marayey degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News