U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Gedo Oo Sheegay In La Furayo Waddooyinka u Xiran Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee gobolkaasi looga baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku furaan waddooyinka u xiran Al-shabaab iyo sidoo kale in laga saaro deegaannada ay gobolkaasi kaga sugan yihiin.

Gudoomiyaha gobolkaasi, Maxamed Maxamuud Maxamed, wuxuu sheegay in maamulka gobolka Gedo uu sameyn doono isku tashi dhanka ciidamada ah.

Wuxuu tilmaamay in AMISOM ay dalka ka bixi doonaan, kahorna maamulkooda uu diyaarin doono ciidamo ku filnaada ammaanka gobolkaasi.

In la helo isku tashi guud oo dhinaca amni ah, dhowaan AMISOM wey baxaysaa, inta ay joogaan inaan sameynno isku tashi dhexdeenna ah, in ciidamada ay furaan waddooyinka xiran, in aan isku habeynno ciidamadeenna” ayuu yiri guddoomiyaha

Todobaadkii tagey waxaa degmada Baardheere ee gobolka Gedo isaga baxay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, sabab la’aan, waana midda keentay in maamulka gobolka Gedo sheego iney isku tashan doonaan.

Goobjoog News