U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Sheegay In Heegan La Geliyey Ciidamada Ammaanka

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay xoojiyeen sugista ammaanka guud ee gobolka, islamarkaana ay heegan buuxa geliyeen  dhammaan ciidamada ammaanka.

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulkaasi Axmed Cabdalla Inji oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in Al-shabaab ay doonayaan iney carqaladeeyaan amniga magaalada B/weyne iyo sidoo kale deegaannada kale ee gobolka, balse ka maamul ahaan ay ka hortagi doonaan fal walba oo dhanka Al-shabaab ka yimaada.

“Al-shabaab meel loogu tago maleh, waa kuwo iska cararaya awood aan qarax iyo tuuryo ahayn malahan, ciidamada ammaanka heegan bay ku jiraan, waana la iska difaacayaa wax walbo oo ay la yimaadaan kooxahan nabad diidka ah” ayuu yiri guddoomiye Inji.

Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka Hiiraan ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Hiiraan iney la shaqeeyaan ciidamada dowladda si looga hortago falalka amni darro.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dhowaan waxay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Goobjoog News