U bood dhigaalka

Maamulka Halgan: Waxaa La Furayaa Wadada Aadda B/weyne

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay dhowaan bilaabayaan howlgal lagu furayo waddo isku xirta deegaankaasi iyo magaalada B/weyne.

Guddoomiyaha deegaanka Halgan Guhaad Cabdi Warsame oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in la qorsheeyay howlgalkaan, islamarkaana ciidamada ay diyaar yihiin.

Wuxuu tilmaamay in marka hore ay ciidanka dowladda iyo kuwa AMSIOM ay sugeen ammaankii Halgan, haatanna ay waddo furista u ruqaansan doonaan.

“Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM waxay dhowaan qaadi doonaan howlgal amniga lagu xaqiijinayo, waxaanay ku baxayaan wadada aadda B/weyne si la isugu furo, qorshan maalmahan dhan waa uu socday, haatanna waa la fulinayaa” ayuu yiri guddoomiyaha.

Wadadan ay doonayaan iney furaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxay u xiran tahay Al-shabaab, waxaana adag in halkaasi ay ku safraan shacabka iyo mas’uuliyiinta Hiiraan.

Goobjoog News