U bood dhigaalka

Maamulka Hiiraan Oo Ammar Kusoo Rogey Ganacsatada

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay sicir barar maalmahan dambe aad looga dareemayay suuqyada gobolka, kadib markii la sheegay in lacago shilin Soomaali ah, islamarkaana been abuur ah ay magaalada soo gashay.

Xoghayaha gobolka Hiiraan Cabdulle Nuur Guurre oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in sare u kac laga dareemay sarifka lacagaha qalaad, isaga oo faray sarifleyda iney ka gudbaan xadka sarifka u yaalla.

Waxa uu sheegay xoghayaha in 100-kii doolar lagu sarifayo lacag ka badan 3 Milyan oo Shilin Soomaaliga ah, sidaasi darteed wuxuu tilmaamay in tallaab sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid walbo oo wax ku sarfta qiimo ka duwan midkii hore.

“Aniga oo ku hadlaya codka maamulka gobolka Hiiraan waxaan ganacsatada farayaa inaan laga gudbi karin xadkii horey wax loogu sarifi jirey, waxaa la sheegay in lacago ay soo galeen gobolka, lacagahaasi waxay keeneen in sicir barar dhaco, 100-kii doolar wuxuu keenay in ka badan 3 milyan, ganacsatada waan balannay, waxaan sheegayaa in shaqsigii lagu helo isaga oo wax ku sarifaya wax ka duwan xadkii hore tallaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadayaa” ayuu yiri xoghayaha.

Lacago shilin Soomaali ah, qaarkoodna been abuur ah oo soo galay suuqyada gobolka Hiiraan ayaa sababay sicirbarar ku yimaada qiimaha la kala siisto raashiinka iyo isbedal xooggan oo uu sameeyay sarifka lacagaha qalaad.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada