U bood dhigaalka

Maamulka Hirshabelle Oo Ammar Kusoo Rogay Sarifleyda B/weyne

Sheeko:Dalka

Wasaaradda maaliyadda maamulka Hirshabelle ayaa sheegtay in magaalada B/weyne aan la keeni karin lacago kaash ah oo ka yimaada gobollada dhexe iyo gobolka Bari, kadib isbedal xooggan oo ku yimid qiimaha lagu bedasho lacagta doolarka Maraykanka.

Wasiirka wasaaraddaasi Maxamed Maxamuud Cabdulle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in markii ay la shireen sarifleyda B/weyne ay ogaadeen in dhibaatada ugu daran  ay tahay lacagta shilin Soomaaliga ah ee gaadiidka loogu daabulo magaaladaasi.

Wuxuu sheegay wasiirka in maamulkooda uu la wareegi doono gaadiid walba oo lacagtaasi wada, sidoo kalena ciddii lagu qabta la saari doono maxkamadda Milatariga waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Markaan dhageysannay shacabka iyo dadweynaha, aan fiirinnay sicirka wax lagu kala iibsado uu kor u kacsan yahay marka loo eego gobollada kale ee dalka, markii aan baarnay in sababta kalliftay naloogu sheegay iney timaado lacago gaadiid lagu wado, kuwaasi oo ka yimaada Bari iyo gobollada dhexe, aniga oo ku hadlaya magaca Hirshabelle, waxaan sheegayaa inaan la wareegi doonno gaarigii lagu qabto isaga oo wada lacag kaash ah, cid walbo oo ku lug yeelatana maxkamad ayaan soo taagi doonnaa” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa u sheegay ganacsadata B/weyne in canshuurta aanay siin karin cid aan ka socon wasaaradda maaliyadda Hirshabelle.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa suuqyada B/weyne la sarifay 100-kii doolar lacag dhan Labo Milyan iyo Sagaal Boqol oo Shilin Soomaali ah, taasi oo ahayd meeshii ugu sarreysay ebed ee suuqyada magaaladaasi sarifka ka gaaro.

Goobjoog News