U bood dhigaalka

Maamulka Iyo Shacabka Degmada Xudur Oo Ka Shirey Dib u Furista Waddooyinka Ay Xireen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka K/galbeed, maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool iyo sidoo kale shacabka degmadaasi ayaa yeeshay kulan looga hadlayey sidii xayiraadda looga qaadi lahaa qaar kamid ah waddooyinka degmadaasi soo gala.

Bulshada kulankaasi ka qeybgashay ayaa soo jeediyey aragtidooda ah sidii degmadaasi u noqon lahayd mid ka xor ah gacanta Al-shabaab, maadaama waddooyinka ay iyagu jareen.

Waxay sheegeen dadkaan hadlay in ciidamada ammaanka uu waajibka Koowaad saaran yahay, iyaguna ka shacab ahaan ay isku duubmayaan si degmadooda ay u noqoto mid waddo walbo u furan.

Guddoomiyaha degmada Xudur ee gobolka Bakool Maxamed Macallin Axmed oo isna halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin sidii ay awood ugu furi lahaayeen waddooyinka ay xireen Al-shabaab.

“Dadkii wey dhibaateysan yihiin, wax walbo lama gaarsiin karo, waddooyinka waxaa jaray nabad diidka, waxaan diyaar u nahay inaan awood ku furno waddooyinka xiran, waxaanse rabnaa in shacabka uu arrintaan u midoobo” ayuu yiri guddoomiyaha.

Xildhibaan Xasan Macallin oo isna kamid ah mudanayaasha baarlamaanka K/galbeed ayaa sheegay in dhowaan la bilaabi doono howlgallo uu maamulkooda dib ugula wareegayo dhammaan deegaannada Al-shabaab kaga sugan yihiin Baay iyo Bakool.

Goobjoog News