U bood dhigaalka

Maamulka Kaxda Oo Sheegay Iney Gacanta Ku Hayaan Askari Dhaawacay Sddex Ruux Oo Barakacayaal Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay iney gacanta kusoo dhigen askari ka tirsan ciidanka dowladda, kaasi oo gelinkii dambe ee shalay Saddex ruux ku dhaawacay degmadaasi.

Guddoomiyaha Kaxda Maxamed Ismaaciil oo wareysi siiyey Idaacadda Goobjoog, ayaa sheegay iney hayaan askarigan, isagoo dhanka kalena faah faahin dheeraad ah ka bixiyey waxa sababay in askarigan uu rasaasta furo.

Mudane Ismaaciil ayaa tilmaamay in askariga qori uu watey uu kula dhegay mid kamid ah dad barakacayaal ah oo raashiin loo qeybinayey kadib saxmadda meesha oo aad isku bedashay, sidaasina rasaasta ay ku dhacday.

Saddex Haween ah oo kamid ahaa dadkii barakacayaasha ee raashiinka loo qeybinayey ayuu sheegay iney halkaasi ku dhaawacmeen, mid kamid ah aad ayuu sheegay in xaaladeeda u liidato.

“Waxaan gacanta ku haynaa askarigii qoriga lala qabsaday, waxaan isbitaalka geennay dadkii dhaawaca ahaa, ilaahayna waxaan uga baryeennaa inuu caafimaad siiyo” ayuu yiri guddoomiyaha Kaxda.

Sidan oo kale marar badan Muqdisho waxaa uga dhacay rasaas ay fureen askar ka tirsan dowladda iney waxyeello u geysato dadka shacabka ah.

Goobjoog News