U bood dhigaalka

Maamulka Kaxda Oo Sheegay Iney Wax Badan Ka Qabanayaan Amniga Dadka Ku Nool Kaamamka Ku Yaalla Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in wax badan ay ka qaban doonaan amniga dadka ku nool kaamamka ku yaalla degmadaasi, kadib markii ay soo bateen falalka amni darro oo dadkaasi la kulmaan.

Maxamed Cismaan, Guddoomiyaha degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in ka maamul ahaan ay dedaal badan sameeyeen oo ay sijoogta ah ula xiriiraan horjoogayaasha kaamamka.

Waxa uu tilmaamay in dad badan oo dhib ku hayey shacabkan ay gacanta ku dhigeen, kadib markii dadka deggan kaamamka ay si hoose ula soo xiriireen maamulkooda.

“Waxaanu siinnay goob walba oo Kaam ku yaalla horjoogihiisa, kuwa ka hooseeya iyo kuwa seexda Kaamka taleefanada maamulka, Booliiska iyo kan waaxyaha, waxaan ku guuleysannay inaan soo qabanno dad falal amni darro ku guda jirey” ayuu yiri guddoomiyaha.

Todobaad kahor, rag hubeysan ayaa Labo gabar ku kufsaday degmada Kaxda, kadib markii xilli saq dhexe ay Kaamamkooda ugu galeen.

Goobjoog News