U bood dhigaalka

Maamulka K/galbeed Oo Sheegay Iney Adkeynayaan Amniga Inta Lagu Guda Jiro Bisha Ramadan

Sheeko:Dalka

Maamulka K/galbeed ayaa sheegay in ay waxbadan ka qabanayaan amniga guud ee deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo, si gaar ahna u adkeyn doonaan amniga inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

Xasan Xuseen Maxamed, wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqancelinta maleeshiyaadka ee K/galbeed ayaa sheegay in maamulkooda uu xil weyn iska saaray sugista amniga.

Waxa uu tilmaamay wasiirka iney diyaariyeen ciidamo badn oo ka qeybqaata sugista amniga deegaannada K/galbeed gaar ahaan magaalada Baydhabo.

“Ammaanka aad ayaan u adkeynnay, waxaan diyaarinnay ciidamo gaar ah oo ugu talogalnay iney amniga aad u akeeyaan inta aynu ku jirno bisha Ramadan, dedaalkana waan sii wadi donna” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale Wasiir Xasan ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaannada K/galbeed iney la shaqeeyaan ciidamada amniga si looga hortago falalka amni darrida ah.

Goobjoog News