U bood dhigaalka

Maamulka K/galbeed Oo Sheegay Iney Isku Soo Dhiibeen Rag Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka K/galbeed ayaa sheegay in magaalada Baydhabo ay iska soo dhiibeen rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab, gaar ahaan kuwooda ku sugan gobolka Baay.

Saraakiil u hadashay ciidamada K/galbeed ayaa si kooban u sheegay in Afar qof oo Al-shabaab ah ay dhankooda isku soo dhiibeen, waxayna mid kamid ah ku sheegeen inuu yahay sarkaal, walow aan magacyadooda lasoo bandhigin.

Sidoo kale saraakishan ayaa sheegay in raggan ay Al-shabaab u qaabilsanaayeen dhanka qaraxyada waa sidey hadalka u dhigeenne.

Weli raggan ka tirsan Al-shabaab ee la sheegay in dhanka K/galbeed usoo goosteen ayaan lo soo bandhigin saxaafadda, walow maamulka K/galbeed sheegay in goor dhow ay soo bandhigi doonaan.,

Dhanka kale ururka Al-shabaab kama aanu hadal wax ka jira in rag iyaga ka tirsan ay Baydhabo iska dhiibeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News