U bood dhigaalka

Maamulka Koonfur Galbeed Oo Wax Ka Qabanaya Dhiibtooyinka Ka Jira Xabsiyada Baydhabo

Sheeko:Dalka

Wasaaradda garsoorka iyo cadaaladda ee maamulka K/galbeed ayaa sheegtay iney wax ka qaban doonto dhibaatooyin la sheegay iney ka jiraan xabsiyo ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kuwaasi oo ku jiraan maxaabiis badan.

Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi Jeylaani Sheekh Luqmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney la socdaan xaaladaha nololeed ee ay ku sugan yihiin maxaabiista ku jirta xabsiyadaasi.

Waxa uu qirey wasiir ku xigeenka in ay jiraan dhibaatooyin badan oo haysta maxaabiista ku xiran xabsiyada Baydhabo, ka wasaarad ahaanna ay wax badan arrintaasi ka qaban doonaan.

“Waan ognahay xaaladda ay ku sugan yihiin maxaabiista, wasaaraddeenna waxay dedaal badan ugu jirtaa sidii ay arrintaasi wax uga qaban lahayd, waana arrin inaga ka go’an” ayuu yiri wasiir Jeylaani.

Maxaabiista ku jirta xabsiyada ku yaalla magaalada Baydhabo ayaa la sheegaa iney la kulmaan dhibaatooyin badan oo dhanka nolosha ah, sida jiifka, cuntada, caafimaadka iyo sidoo kale nadaafadda.

Goobjoog News