U bood dhigaalka

Maamulka Nugaal: Waan La Dagaallameynaa Ururka Al-saaciduuna Bil Xaq

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Nugaal war uu soo saaray kaga mamnuucay gobolkaasi urur diimeed cusub oo dhowaan lagaga dhawaaqay Garoowe.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Faraweyne oo  warfidiyeenada kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in urur diimeedka Al-saaciduuna Bil Xaq aan lagaga baahnayn Puntland.

Laamaha ammaanka ee Puntland ayuu faray inay gacan bir ah ku qabtaan cid kasta oo lagu helo inay taabacsan tahay urukan.

Waxa uu sheegay in horey Puntland ay dagaal ugula jirtey Al-shabaab iyo Daacish islamarkaana aynaan aqbali doonin koox cusub oo kale, shacabkana waxa uu ka dalbaday soo qabashada raggaas inay kala qeyb qaataan, iyadoo magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ay kamid tahay magaalooyin Seddex ah oo lagaga dhowaaqay urur diimeedkan.

“Waxaa gobolka Nugaal laga mamnuucay urur diimeedka Takfiir iyo midkaan hadda la magac baxay Al-saaciduuna Bil Xaq oo meello kamid ah Soomaaliya lagaga dhowaaqay, horey waxay Puntland dagaal ugu jirtay ururada lamidka ah sida Daacish iyo Al-shabaab, Al-saaciduuna Bil Xaq waxa uu kamid noqonayaa burcad diimeedka Puntland dagaalka kula jirtay, waxaa shacabka Puntland laga codsanayaa iney soo sheegaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan si gacanta loo mariyo, ciidamada la dagaallanka argagaxisada waxaa la farayaa in dhammaan ay soo qabtaan dhammaan dadka sheeganaya Al-saaciduuna Bil Xaq” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ururuka Al-saaciduuna Bil Xaq, ayaa dhowaan waxaa looga dhowaaqay magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa Iyo Garowe, halka si lamid ah sidanna looga dhowaaqay dalalka Masar, Liibiya iyo dalal kale oo carbeed.

Goobjoog News