U bood dhigaalka

Maamulka Puntland Oo Cambaareeyay Weerarkii Bam Ee Lagu Qaaday Radio Gaalkacyo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Puntland okMaamulka Puntland ayaa si kulul u cambaareeyay weerar Bambaano oo xalay lagu qaaday xarunta Radio Gaalkacyo, halkaaasi oo Wariyayaal ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha maamulka Puntland ayaa si kulul u cambaareyay weerarkaasi, waxaana uu ku sheegay inuu yahay mid la doonayo in saxaafadda lagu caburiyo.

Maamulka maagaalada Gaalkacyo iyo saraakiisha ciidamada amaanka ayuu ugu baaqay in ay deg deg kusoo qabtaan dadkii ka dambeeyay qaraxyadaasi.

Dhanka kale Ururuka saxafiyiinta Puntland ayaa dhankooda cambaareeyay weerarkii laguqaaday Radio Gaalkacyo,  waxaana ay ku baaqeen in nabad ay  helaan wariyaasha meel walba oo dalka ay ka joogaan.

Koox aan la garan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay  Laba Bam ku tureen xarunta Radio Gaalkacyo, waxaana halkaasi ku dhaawacmay Laba wariye oo howlahooda shaqo ku jiray.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News